C/raxmaan Sh.Maxamed Gablax ayaa markale ku cel celiyay in Puntland
aan cidi kaxigin Hadii aan doorasho rasmi ah la qaban 8 jan 2013 oo
ku began xiligii caadiga aheyd ee doorashada puntland la qaban lahaa.
Hadalkan ayuu qablax markale kasheegay kadib Casumaad uu ka helay
Ururada haweenka kaasi oo ahaa mid ay su aalo ku weydiinayeen
laxiriira Fulinta Balan qaadyada inta badan Musharixiintu ay ku soo
cel celiyaan inta ka horaysa doorashada,
C/raxmaan Sh.Maxamed Gablax ayaa waxaa uu u muuqanayaa musharaxa
kaliya ee sida bareerka ah uga hadlay muda kordhinta xiliga doorashada
Puntland oo xukuumada hada jirtaa ay mudo sanad ah ku darsatay
iyadoona sheegtay in ay sanadkaasi ku dhaqan galinayaan Nidaamkii
axsaabta oo mudo Puntland ay ku taamaysay