NAVIGATION
 
Home
About Us
Site Map
Sunday Music
Raadraac
Saado Profile
Audio Music
Video Music
Albums
Heeso Wadani ah
Heeso Cusub
Fanaaniinta
Radio Muqdisho
News in English
Photo Gallery
Warar Af-Somali ah
Faalooyin
Contact us
 
HEESTA MAANTA
   
EVENTS & CONCERTS
   
HEESO CUSUB
 
Hees Caad iyo Miroon -IIdle Yare
HEES CUSUB SAANI IILA HADAL -YURUB BELLA
Hees Tamashleey Fanaan Weheliye
Hees Dhulkiina Caasha Karaama Siidi -Wadani Qaasim
Dhageyso hees cusub Ma ogtahay Galmudugeey Part2
Hees Tabco -Xaawo Kiin New song
Fadeexo Seynab Labadhagax oo cod xumo la ildaran
Hees Raaliya -Abdirizak BK
 
 
   
TOPNEWS:-WEBSITE LAGA HELI KARO DHAMAAN FANKA IYO SUUGAANTA OO LA FURAY
 
This page has been viewed 23125 times.
  Fri, Nov, 19-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Cunaabi.com

Warbaahinta Waagacusub ayaa furtay Website baaxadweyn oo loogu tala galay in lagu shubo dhamaan Fanka iyo Suugaanta bulshada ku hadasha afka Somaliga.

Fanaanadda Qaranka ee Hoboladda Waaberi Saado Cali Warsame (Cunaabi) ayaa loogu magacdaray Website-ka cusub oo ciwaankiisu yahay Cunaabi.com ama Cunaabi.net

Cunaabi.com waxaa hergelintiisa ku baxday lacag dhan 23000$ sedex iyo labaatan kun oo dollar,waxaana loo dhisay hab casriya oo sahlaya in qofkasta uu si fudud ku helo heesta ama fanaanka uu xiiseeynayo.

Website-ka Cunaabi.com wuxuu leeyahay qeybo Heeso,Riwaayado,Gabayo,Wareysiyo,Nabi amaano,Shirib,Guuroow,Ciyaar dhaqameedyo,warbixino hiddaha iyo dhaqanka,waxayna dhamaantood iskugu jiraan Maqal iyo Muuqaal.

Keydka Radio Muqdisho,Radio Hargeysa iyo Wakaaladda Filimadda Soomaaliyeed oo labaatan sano la xafidayay ayaa si rasmiya looga helayaa Websiteka Cunaabi.com

Waxyaabaha ugu xiisaha badan ee Cunaabi.com laga heli doona waxaa ka mida in Hees walba lagu dul qori doono,Fanaanka qaada,Abwaanka sameeyay,Laxamiistaha,Muusikiistaha,xilliga la duubay,hadii heestu Riwaayad ku jirtay ama kali loo qaaday iwm.

Sedex kun oo heesood,isuguna jira Jaceyl,Wadani,kicin,anti,amaan iyo dhaqan ayaa lagu guuleeystay in lagu shubo Serverka Cunaabi.com iyadoo heesaha dhamaantoodna ay yihiin heesahii Idaacadaha Hargeysa iyo Muqdisho lagu keeydiyay berrisamaadkii.

Hadii qofka doonayo inuu raadraaco Kooxaha hoboladda Qaranka wuxuu dooran karaa Ciwaanada ku jira tilmaamaha Webka Koox (MENU) kadibna wuxuu duurxulan karaa magacyada kooxaha sida Waaberi,Heegan,Horseed,iftin,Halgan,Danan iwm

Cunaabi.com waxaa lagu qori doonaa taariikh nololeedka fanaaniinta Soomaaliyeed,waxaa kale oo aad ka heli doontaan bandhig faneedyada iyo safaradda Fanaaniinta Soomaaliyeed.

Heesaha cusub ee fanaaniinta waaweyn iyo kuwa soo baxay burburkii kadib ayaa loo sameeyay qeyb gaara oo laga dheehan karo waloow aan xulasho ku sameeyn doono heesaha ,si aanan loo gelin hees kasta.

Cunaabi.com oo laga heli karo hees kasta iyadoo qoraal ah,wuxuu qiimeeyn doonaa heesaha cusub inta aan fanaanka loo balanqaadin in loo faafin doono si Website-ka u noqdo mid loo gaar yeelay heesaha xulka oo kaliya.

Shabaakadda Balaaran ee Cunaabi waxaa hirgelinteeda gacan ka geystay Ururka Fanka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee SAAC.

info@cunaabi.com

FG:Heesaha Somalia iyo taariikhdooda mar dhaw ayaad ka bogan doontaan inshaa allaah

Fadlan fikirkaaga ku dhiibo halkaan hoose,kana soo talo bixi sida uu kuula muuqdo webka iyo waxa ka qaldan,u baahan yahay in lagu kordhiyo iyo sida aad u aragtid

COMMENTS (37)
WADANI says: Saturday, March 05, 2011 at 23:03:35
Aniga wasx daahir calasoow lug ku leeyahay maba ila fiicna waayo waa basaas qabiil uusan u dhalana sheegta xaaraana kusoo koray, fidnada aduunkana taageera diintana ka dheer munkarkana faafiya ama keeydiya ilaahoow labadeena qabri ha isku dhaweeyn koleey wax aan ceey iyo aflagaado sidii dhoocilihii aheeyn ka filan maayo, saadana waxaan leeyahay fanku wax uu aaqiro kuu tarayo ma jiro in uu ilaah kaa dheereeyo mooyee ee ilaah u tooba keen inta aad nooshahay koleey cimrigaaga waxyar baa ka dhiman
Faatimah says: Sunday, February 06, 2011 at 11:00:24
Assalaamu Calaykum. Bacdu Salaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaam, waa ku mahadsan tihiin wabe site-ka cusub ee aad ku keydinaysaan Fanka & Sugaanta Soomaaliyeed, Balse Su'aasha is weydiinta lihi waxay tahay Maxaa loogu bixin waayey web site-ka magac guud oo taabanaaya Fanka & Suugaanta Umadda Soomaaliyeed, su'aashan micnaheeda ma ahan in aan Saado diidanahay, saado way u qalantaa in loogu magacdaro web site, waliba waxay mudan tahay billad geesinimo maamdaama aan xasuusto in xukuumadii Siyaad baare ay u qaaday Heeso gilgilay oo ay ka mid tahay heestii LANCRUSER. laaaaaaaaaaaaaakiin nuxurka hadalkeyga wuxuu yahay TIMIR LAF AYAA KU JIRTA.
Jacfar says: Friday, January 28, 2011 at 11:55:51
Daahiroooow berri amaa lagu arkaa adiga oo caayaya Saado Cali mise laga yaabaa markii aad danta aad ka leedahay ka gaarto inaad sida Calin-ka Galmudug u caayso shalay adiga ayaa buunbuuninayay maantana Jaadwale ayaad ku sheegeysaa shalay miyaa waalneeyd mise maanta ayaa waalanatahay
Mahamoud Botan says: Sunday, November 21, 2010 at 17:15:38
I love this site and welcome it warmly. I believe it will bring us all we neened. Finally, I would like to congratulation to thouse who came this lobely idea and the beautiful Caami name. Thank you guys.
MUJAAHIN KAAHIN says: Sunday, November 21, 2010 at 15:43:06
ssc SIILKA SAADO CALI.
Mohamed says: Sunday, November 21, 2010 at 13:59:21
sc dhamaan wadaniyiinta iyo halyeeyada somaliyeed ee u istaagay inay taariikhdooda diiwaangaliyaan....salan kadib sxbyaal aad baad ugu mahadsantihin inaad kaalintii ay dowladi qaban lahayd adinku isku daydaan inaad buuxisaan...anigu waxaan idinka codsanayaa 2 arimood :- 1/ inaad copyright ka ilaalisaan. 2/ inaadan heeso qabyo ah oo kala dhiman ama bar ah (half) ah soogalinina webka maxaayeelay webab badan oo heesaha sooqoraayi halhees ayay kala qaybiyaan markaasay heestu 3 ilaa 4 daqiiqo soconaysaa midda ugu badan ayaa 6 daqiiqo socota marka taas iska ilaaliya walaalayaal....hees dhamaystiran oo qofku intuu halmarkudhufto wada dhagaysto heesta soogaliya . waad mahadsantihiin
Isadiin says: Sunday, November 21, 2010 at 13:33:36
Cunaabi.com waxaan lee yahay hambalyo waa waxaan mar hore aan sugaynay wax noo qabta howshaan oo kale waayo dhalintii meel kasta oo ay joogaan lama socdaan waxa ay fanaaneenteenu ahaayeen ama qaybta ay kaga jireen fanka aduunka ama qiimaha ay u yeeleen fanka iyo dhaqanka soomaaliyeed oo maanta fog kasii laalaada.Thanks Cunaabi.com ISADIIN,SWITZERLAND
Bararlaaye says: Sunday, November 21, 2010 at 13:10:55
Waa biyo col dhanshay wabahay ee magaca kale u doona
AHMED says: Sunday, November 21, 2010 at 12:00:40
ASC ANIGU WAXAN IDIN ORAN LAHAA ILAHAY KABAQA OO ISKA DAAYA HEESAHA AAD KAYSINAYSAN OO ALLE KABAQA MUNKAR HA KAYDIN ILAHAY KA ABQ WAAD DHIMAN DONTAAN MALIN UUN EE HADAAD JANIS HAYSAN EE KA FOGADA
Cumar says: Sunday, November 21, 2010 at 09:48:30
Waa wax lagu farxo in web.noocaan oo kale ah in la helo. Mahadsanidiin. Shaambi.
« Prev   Page 1 3 4   Next »
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
 
  Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc. © Copy Right Hooyga Suugaanta iyo dhaqanka ee Cunaabi 2010-2014 All Rights Reserved.