NAVIGATION
 
Home
About Us
Site Map
Sunday Music
Raadraac
Saado Profile
Audio Music
Video Music
Albums
Heeso Wadani ah
Heeso Cusub
Fanaaniinta
Radio Muqdisho
News in English
Photo Gallery
Warar Af-Somali ah
Faalooyin
Contact us
 
HEESTA MAANTA
   
EVENTS & CONCERTS
   
HEESO CUSUB
 
Hees Caad iyo Miroon -IIdle Yare
HEES CUSUB SAANI IILA HADAL -YURUB BELLA
Hees Tamashleey Fanaan Weheliye
Hees Dhulkiina Caasha Karaama Siidi -Wadani Qaasim
Dhageyso hees cusub Ma ogtahay Galmudugeey Part2
Hees Tabco -Xaawo Kiin New song
Fadeexo Seynab Labadhagax oo cod xumo la ildaran
Hees Raaliya -Abdirizak BK
 
 
   
FANAANIIN CAANA OO BAAQ U JEEDIYAY SOMALILAND-OOHIN IYO TIIRAANYO HAREYSAY+
 
This page has been viewed 4623 times.
  Thu, Jan, 13-2011 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Fanaaniin Soomaaliyeed oo ku kulmay Nairobi
Fanaaniin isku bartay Nairobi-

04 Janaury 2010Cunaabi.com-Munaasabad ay ku kulmeen Fanaaniin caana,Abwaaniin iyo Wariyeyaal ayaa ka dhacday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Barnaamijka oo ay isku duba riday Xamdi Maxamed Kadiye oo ka tirsan Telefishinka Universal,ayna duubayeen Filmqaadayaal ay ka dhexmuuqdeen Xasan Baaffo iyo Darbo wuxuu ahaa mid loo abaabulay sida Doodaha tixmaalka iyo siyaasadda ee ka baxa telefishinada Caalamka.hasse yeeshee waxaa Munaasabada hareeysay ilmo iyo tiiraanyo ka gadaal markii Fanaanada da'da yar ee Sagal iyo Fanaanka Xasan Cagaaran ka hadleen Laxamistaha weyn ee Jiim Sheekh Muumin oo ku xiran Xabsiga Mandheere.

Sagal yar oo Madaxweynaha Somaliland iyo shacabka ugu baaqeeysay inay sii daayaan fanaanka Soomaaliyeed maadama ay Hargeysa tahay Hooyga Fanka Somalia ayaa indhaheeda ilmo buuxiyay,iyadoo awoodi weysay inay sii wado hadalka.

Xasan Cagaraan ayaa bulshada Somalida si calool xumo ka muuqato u waydiistay inay u istaagaan sidii Jiim Sheekh Muumin looga saari lahaa xabsiga Mandheere.

Nuxurka barnaamijka marka sawir laga bixiyo waxaa looga doodayay fanka iyo fanaanka,mar waxaa lagu tilmaami karay Maaweelo,marna wuxuu ahaa mid looga hadlayay Fankii hore iyo kan Fanaaniinta cusub ee Maanta.laakiin waxaa saameeyay xariga Jiim Sheekh Muumin.

Munaasabadda waxaa heeso,gabayo,suugaan kala duwan iyo hadalo ka jeediyay Ustaad Axmed Naaji Sacad,Proff Maxamed Cumar Dalxo,Maxamud Gooh Qarboosh,Muslimo Qaasim Hilowle,Abwaanad Shamsa Macalin,Jilaaga,Falklore-ka weyn ee Jini i shumi,Shiine,Xasan Cagaaran,Sagal,Digriyoow oo ka socday Waayaha cusub,Xildhibaan Nadiif,Film sameeyaha weyn ee Faysal Karateey oo ka mida dhiirigeliyeyaasha Fanka iyo hidaha,King Khaalid,Cabdi Xakiim Fara Yare,Yusuf Jeego,Caynba Cayn,Abukar yare,Shamsa Shumeey,Falastiin Axmed Dhoore oo ka tirsaneed Warfaafintii Somalia,Dahir Abdulle Alasow,Xildhibaan Luul Cabdi Adan iyo Ruqiyo Xasan Adan.

Ustaad Axmed Naaji oo barnaamijka si weyn u qaabeeynayay ayaa ka hadlay taariikhda fanka Somalia,wuxuuna ka qaaday heeso.

Axmed Naaji wuxuu Proff Maxamed Cumar Dalxo ka codsaday inuu munaasabadda ka qaado hees Sudani ah oo xilligii uu jaamacadda ka dhiganayay Khartoum uu qaadi jiray.wuxuuna u garaacay Kabanka.

Gudoomiyaha Isu taga Suxufiyiinta Somalia Dahir Abdulle Alasow oo ka hadlay xafladda ayaa ku dhaliilay midnimo xumida fanaaniinta Soomaaliyeed,wuxuuna xusay inaysan fanaaniinta wax isu qaban laakiin is marxabeeyaan,taasina ay tahay nasiib daro.

Abwaanad Shamsa Macalin iyo Maxamud Goox Qarboosh ayaa Guuroow iyo geeraaro qiimo badan kaga qeybgalay barnaamijka,waxaana ugu dambeeyntii lagu sharfay inay xirto Suxufiyadda Falastiin Axmed Dhoore oo qaaday heesta AAN IS WEHESHANO WALAALAYAAL,waxaa kabanka u garaacayay Axmed Naaji,waxaana la jiibinayay dhamaan ka qeybgalayaasha barnaamijka oo Fanaaniin u badnaa.

Si kastaba ha ahaatee ,Munaasabadda waxay ahayd mid qurux badan oo horseedi karta in fanaaniinta yeeshaan Midow.

COMMENTS (2)
Ziimoow says: Friday, July 20, 2012 at 19:05:23
waa wax layaableh fabnaaniin isu doodaysa waa markii labaad een arko waxaa iiga horeeyay cabdi tahliil iyo bacal waan oo liita oo hadaba fankii soomaliya meeshii axmed naaji joogo buu joogaa waa hubaal meeye intii kale ee la abaabuli lahayd la maqli lahaa axmedo xasan hibo maryan iwm
Mustafe says: Saturday, January 15, 2011 at 11:21:38
Aadban ugu faraxsanahay inaan mar uun maqlo fanaanintii soomaaliyeed oo meel isugu tagtay kana wada xaajoonaysa siday hal mid u noqon lahaayeen. waxan lee yahay fanaaniintu mar walba wa soomaali. waxaan qabaa wa ku dalka nabadda ku so celin kara hadday ka faa'idaystaan kartidooda iyo xiisaha ay bulshada soomaaliyed u qabto.
Page
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
 
  Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc. © Copy Right Hooyga Suugaanta iyo dhaqanka ee Cunaabi 2010-2014 All Rights Reserved.