NAVIGATION
 
Home
About Us
Site Map
Sunday Music
Raadraac
Saado Profile
Audio Music
Video Music
Albums
Heeso Wadani ah
Heeso Cusub
Fanaaniinta
Radio Muqdisho
News in English
Photo Gallery
Warar Af-Somali ah
Faalooyin
Contact us
 
HEESTA MAANTA
   
EVENTS & CONCERTS
   
HEESO CUSUB
 
Hees Caad iyo Miroon -IIdle Yare
HEES CUSUB SAANI IILA HADAL -YURUB BELLA
Hees Tamashleey Fanaan Weheliye
Hees Dhulkiina Caasha Karaama Siidi -Wadani Qaasim
Dhageyso hees cusub Ma ogtahay Galmudugeey Part2
Hees Tabco -Xaawo Kiin New song
Fadeexo Seynab Labadhagax oo cod xumo la ildaran
Hees Raaliya -Abdirizak BK
 
 
   
U CIIDAMI-FAALADDA TODOBAADKA EE FANAAN BASHIIR CALI XUSEEN
 
This page has been viewed 10360 times.
  Mon, Nov, 15-2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Saado Cunaabi iyo Asli Calanside
Fanaanka Bashiir Cali Xuseen ayaa qoray faaladda

U ciidami, waa cinwaan khuseeya qof kasta oo soomaali ah oo dhiig waddaniyadeed leh oo ay dhibeyso xumaha dalkiisa, dadkiisa iyo calan kiisaba, waxaana tusaale u ah gabdhaha ku dayashada mudan ee muuqaalka calanka buluuggaahxanbaarsan.

Saado Cali Warsame, weligeedba waxey aheyd fanaanad afhayeen u ah oo u doodda bulshaweynta Soomaaliyeed maantana qareen u ah calankan buluugga ah ee xurmadii uu lahaa laga xayuubiyay, sidoo kale, Asli calansida, waxey aheyd gabar ka tirsan ciidamadii cirka soomaaliyeed, waxeyna aheyd gabadha kaliya ee daadihisay diyaaradihii ciidanka , maantana u taagan calanka badbaadin tiisa.

12.Oktoober.1954kii, ayuu ka mid noqday calamada dunida guudkeeda ka dul babbanaya.

U ciidami:-calankani buluugga ah ee xidigta cad ee shan geesta ahi ay ku asteysan tahayaxsaanleysuma siin ee wuxuu ku yimid dhiigga halyeeyadii Soomaaliyeed ee naaftooda u soo huray inuusan dalkooda gumeyste ku ladin caddaan iyo madow kuu doonaba ha ahaadee!.

U ciidami:- calankani dhalashadiisii waddaniyiin fara badan baa iilka u soo galay, carruuro aan tira koob laheyn baa u soo agoomoobay, hooyooyin Soomaaliyeed baa asaayu soo qaaday!, taasina waxey sababtay inuu noqda astaan qaran oo ay ku soo wada hirtaan umadda soomaaliyeed.

26. juun1960kii, habeenkii xorriyadda ee ay halyeeyadu ku geeraarayeen:-

Sarreeyow ma nusqaamow

Aan siduu yahay eegnee

Kanna sii kanna saareey.

Dadkii habeenkaa joogay ee farxadda calan saarka awgeed u suuxay amaba la ooyeeu ilmeeyay sacabkana u deyn waayay ilaa uu waagu ugu baryay beerta xorriyadda, haddey maanta nool yihiin oo ay burburkaan arki lahaayeen qalbigoodu sidee buu noqon lahaa!!!?.

Afar maalmood ka dib, halgamayaashii ka soo qeyb galay dhagaxtuur iyo kacdoonkii ha noolaato ee saqda dhexe hor tubnaa( Officio Governo)si ay calansaarka1daluulyo uga wada qeyb galaan, haddey maanta nool yihiin oo ay darxumadaan arkayaan waxna aysan ka qaban karin dareen koodu sidee buu ahaan lahaa!?.

Kuwa dhadhemiyay neecaawda xorriyadda dalkana wax ku soo bartay ee waddaniyadda la qiireysan maanta calankooda lagu hor gubaayo amaba lagu hor jeex jeexayo, weliba loogu sii darayo waa calal xune maxaa macna ah oo uu soo kordhinayaa, iyada oo qaar kalana ay leeyihiin waacalaamad gaaleed oo mid madow baan ku badeyleynaa, sow inta wax garadka ahi lama gudboona iney dib ugu laabtaan ( S.Y.L ) iyo halgan keedii oo kale?.

\

U ciidami:-Sow ma habboona in calanka lala dadaamiyo Saado Cali Warsame iyo Asli Xasan cabaade (asli calansida) oo u muuqda horyaalka badbaadinta calanka soomaaliyeed iyo inta ay laabtoodu ka guuxeyso u hiillinta calanka astaanta u ah jiritaanka qaranimo ee dadkaSoomaaliyeed iyo dalkooda hooyo.

U ciidami:-dhammaan jaaliyadaha soomaaliyeed ee dunida dacalladeeda ku kala nool gaar ahaan dumarka soomaaliyeed dushooda ayuu mar walba ka muuqdaa buluugle calan keenna, taas oo ay raggu kaga horreeyaan mar walba, waxaan leeyahay halkiinna ka sii wada.

Carruur iyo cirroolaba, ceyn weynta soomaaliyeedey, calan kiinna sharafka leh, Cidi idinka ma xigtee, caawiyoo u ciidamiya.

Calanyow cirka u eg

Ee caad la guurka ah

Midka ciid kugu jiiday

Iyo mid ku caawiyee

Cirka sare ku geeyay

Mid keebaa cisa mudan

Mid keebaa ciqaab mudan?

Waxba ha calool xumaan

Col ku daafacaa jira

Ciidan kaagi wuu iman

Ceelashii shidaalkiyo

Caddaalad baan fileynaa

Ciidaada hooyana

Casiis baa awood lehe

Wey camirmi doontaa

Carabiyo cajamiba

Caalamkaba dhamaantii

Adigaa caawin doonee

Cindiga taa ku sii haay.

Qalinka:-

Bashiir. C. Xuseen.

Barbaariye@hotmail.com

COMMENTS (2)
Jody says: Wednesday, February 15, 2012 at 10:48:38
I ralely appreciate free, succinct, reliable data like this.
Mohamed Abshir Sodal says: Friday, January 14, 2011 at 20:07:35
Marka hore waxaan idin soo gudbinaya salaynteyda,waxaan idinku amanaya sida - aad isugu daydaan inaad ka hadashaan- meesha xun ee somalidu maanta ku sugantahay- iyo qiimihii berisamaadkii dalka iyo dadkuba lahayeen, marka anigu waxaan idin rajeynaya inaad ku guuleysan doontaan dadaalkiina wacyi gelinta somalida,iyo fahamsiinta qiimaha wadanka iyo shacabkeena, saxibayaal dadaalkiina siiwada. mahadsanidin,
Page
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
 
  Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc. © Copy Right Hooyga Suugaanta iyo dhaqanka ee Cunaabi 2010-2017 All Rights Reserved.