Qiimeeynta Fanaaniinta cusub ee Wiilasha iyo Gabdhaha ku heesi kara Live - Loolanka Kaalinta 1-aad.
Qiimeeyn
lagu sameeyay Fanaaniinta soo baxday sanadihii ugu dambeeyay ayey kaalinta
1-aad galeen 18 ka mida Wiilasha iyo Hablaha ku cusub Fanka.
Qiimeenta
uu sameeyay Hooyga dhaqanka iyo Suugaanta ee Cunaabi.com waxaa u fariistay
guddi iskugu jira Fanaaniin,Abwaano iyo Mulaxamiistayaal waaweyn sida Mohamed
Adan Shamuuri,Cabdi Kariim Jiir,Binti Cumar Gacal,Khadijo Daleeys,Fadumo
Nakruma,Abwaan Baarleex,Saciid Xarawo,Bashiir Cali Xuseen.
Rugcadaayaasha
Fanaaniinta waxay Mudnaanta 1-aad siiyeen Mursal Muuse iyo farxiya Fiska oo
ka dhigan Fanaaniin miisaan culus marka laga qiimeeyo codka iyo sida ay toon
kasta u jili karaan.
Ragga
kaalinta 1-aad galay ee cod macaan ku heesi kara si Live ah waxay kala yihiin:-
1- Cabdirisaaq Alteeso
2-
Liibaan Jig Jiga
3-
Faysal Hanad
4-Abdi
Holland
5-Abdifitah
Yare
6-
Mursal Muuse
7-
Cawale Adan
8-
Abdirisak Dhegacade
9-
Ahmed Biif
Dumarka
waxaa kaalinta 1-aad ku jira
1-
Farxiyo Fiska
2-
Qaali Ladan
3-
Hodan Abdirahman
4-
Idil Cadow
5-
Sagal Arts
6-
Ayaan Warsame
7-Ubax
Nacfi
8-
Tusmo Yoonis
9-
Saamiya Rooble
Gudigga
qiimeeynta sameeyay wuxuu ka gaabsaday inuu fanaaniinta kaalinta 1-aad gashay
ee Ragga iyo Dumarka iskugu jira u kala saaro ABC maadama qaarkood qalad
u fahmi karaan
Qiimeeyntaan
waxaa lagu sameeyay Fanaaniinta soo baxday wixii ka dambeeyay 12-kii sano ee la
soo dhaafay sidaas darteed Warbixinta ma quseeyso Fanaaniin cod macaan oo
laga xusi karo Xasan Wado,Xasan Cagaaran,Cabdullahi Boqol ,Nuradiin Ahmed,Cabdi
Fanax,Jeylani Abukar Jeey,Faysal Tashi,Shey Mire Dacar ,Fartuun Birimo,Saynab
Labadhagax ,Ubax Fahmo ,Sahra Ileeys,Surqa yareey iyo Deeqa Ahmed Geydh maxaa
yeelay waxay fanka galeen shan iyo toban sano ama labaatan sano ka hor.
Fiiro
gaara: Waxaan ka cudur daaraneynaa hadii ay jiraan shaqsiyaad cod macaan oo
qiimeeynta lagu xaqiray hasse yeeshee kuwaas loolama jeedo Fanaaniinta aan
heesi karin ilaa ay Mixer helaan ama Logic software.
Filasho:
Heesaha ugu macaan ee sanadihii la soo dhaafay soo baxay ayaan qiimeeyn ku
sameeyn doonaa iyadoo heesta lagu xulan doono Laxan Macaan,erayo iyo Codka
Fanaaniinta qaadaya.
By
Dahir Alasow