Heesta Baadigoob ee Fanaanada Qaali ladan idiin qaadeyso waa qisa dhaba
Heestaan
waxaa laga sameeyay qiso dhaba oo hadii la idinkaga sheekeeyo qalbigiina xasuus
gaara ayey ku reebi doontaa.
Gabar ama
wiil ku nool Magaaladda Borama ayaa la caashaqay balse qisada xanuunka badan
waxay soo shaac baxday markii telefoonkii qofkaas bixi waayay .
Qofkii
sheekada ku dhacday ayaa kadibna wuxuu Riyo ku maray Borama,Baki,Dila ,Berbera
iyo ilaa Hobyo.
Inkastoo
muuqaalka guud ee heesta yahaysawir
Jaceyl hadana bud dhigeeda ugu weyn wuxuu xambaarsan yahay Wadaniyad iyo
Somalinimo.
Waan hubaa
inaad jeclaan laheydeen inaan sheekada heesta idinkaga dhaco balse ,anigoon
hebel idin dhihin iga hanta Miraha
erayada iyo maqalka heesta.Dhageyso
Hees
Baadigoob
------
Riyadu xalay ila baxdoo
Boramaan u dalxiis tagoo
Bakiyo dila sii maroo
Barwaaqaa gobolka tiil
----
Bulshadu weey caweeynayeen
Calankooda bilicda wacan
Cadaan iyo Baluug buu ahaa
Bil iyo Xidig baa ku tiil
----
Miyaadan ballan aqoon
Bilaahi miyaad ogeen
Halkaad beeybi iiga taal
Mise qalbi waa bugtaa
--
Alla Bukaan baan ahay dartaa
Bil dhamaatay kumaanan maqal
Boqol kaar soo gatoo
Telefoonku iima baxo
----
Berbera ,Sool iyo Sanaag
Hobyaan u baqoolayoo
Naftaan ku bogsii is iri
Beeraha mooskiyo cambaha
-------
Yarkaan u basaasayoow
Baadigoobkaan kuugu jiray
Baafinteeydii kuguma helin
Bidhaansina kuguma arag
---
Miyaadan ballan aqoon
Bilaahi miyaad ogeen
Halkaad beeybi iiga taal
Mise qalbi waa bugtaa
--
Alla Bukaan baan ahay dartaa
Bil dhamaatay kumaanan maqal
Boqol kaar soo gatoo
Telefoonku iima baxo
---
Erayo iyo Laxan
Dahir Abdulle Alasow